Saturday 18 October 2014

Gaarida Ahdaaftaada

Maxaa keena in la gaaro guul?

 
 
Waa maxay ahdaafta aad rabtid inaad gaartid? Ma is weydiisay siddee ku gaari kartaa?  Dib ma u eegtay mase akhriday waxa dadka guusha gaaray u sahlay inay ku horumaraan oo gaaraan guushaas?

Halkan ayaan ku eegi doonaa, isla markaana ku soo koobayaa qodobo ka sheekaynaya arimahaas oo idil iyo waxa dadka u fududayn kara inay riyadooda guul dhamaystiran ka garaan haddii Eebbe idinka ka yeelo.


Waa maxay guul? Guul si fudud waa dhammaystir iyo gaarid hammi oo aad rabtid inaad hiigsatid. Tusaale: Xilliga ardaynimo waxa qof kastaa rabaa inuu noqdo qof cilmi iyo aqoon buuxda leh. Si loo gaaro arrintaas hadaba waa inaan tagnaa dugsiyada iyo meelaha u ehelka ah tacliinta. Guusha aad raadinaysaa xilligaas waa mid fudud oo ah inaad noqoto qof aqoon buuxda leh. Hadaba si aad u gaarto arrinkaas maxaa kuu sahli kara? Shan-tan qodob ayaa ka mid ah jidka fududayn kara inaad hamigaaga gaartid:- 

1. Jacayl, xiisayn iyo qanac: Dadka guulaystaa waa kuwo jacayl, xiiise iyo qannac u haya waxay  qabanaayaan.

2.  Howlkarnimo: Si adag oo hawlkarnimo iyo hufnaan leh ayey u shaqeyaan.

3. Horusocod:Naftooda waa kuwo aad hormariya, una diida caajis iyo dib u dhac.

4. Raadin fikir: Waxay raadiyaan aaraa ama afkaar si ay u la yimaadaan ra'yiyo kala gadisan.

5. Daal la'aan, niyad wanaag, iyo wadidda ahdaafta.



      1-   Jeclaanta, xiiseynta iyo ku qannaca wax aad                           doonayso inaad ku guulaysato.

Waxa ugu horeeya ee dadka guusha gaaray ay ka siman yihiin waa: inay jecayl, xiise  iyo qannac buuxa u hayaan waxa ay doonayaan inay ku guulaystaan. Sababtu waxa weeyaan haddii aad aad jeceshahay waxa aad samaynayso, aad ayey u fududahay inaad horumar ka gaartaa.
Mar la weydiiyey dadka guushay gaaray wax ka caawiyey inay guulaystaan, waxa ugu horeeya ee afkooda ka soo baxaa waa “Jeclaan iyo ku qannac.” Russell Crowe, waa jilaa, guul weyn ayuu ka gaaray inuu noqodo jilaaga ugu fiican. Mar la waydiiyey waxa u sahlay guushaas, waxa uu yiri: waxa ugu horeeya waa jacayl aan u hayey inaan noqdo jilaa, waxaan jeclahay sheegida sheekooyinka, siddaas darteed waa ii fududahay inaan qabtaa shaqadan.

     2- Howlkarnimo iyo hufnaan

Waxa labbaad ee dadka u sahli karaa inay si buuxda u gaaraan guul waa la imaanshaha hufnaan iyo howlkarnimo muujisa dhabaynta hiigsashada ahdaafta marba la doonayo in la gaaro. Martha Stewart, oo ah haweenay ganacsato Maraykan ah waxay isku sharxday inay tahay qof  aad u karti badan, daalla aan muujin xilliga ay doonayso inay guul dhamaystiran gaarto. Waxay sii raacisay hadalkeeda waligaa ha aaminin in dad kale shaqadaada ay qabtaan. 

Wax kasta oo aad doonayso inaad qabato waxay u baahn yihiin dulqaad, dadaal, iyo waqti dheeraad ah. Ma jirto waxa si fudud ku yimaadaa marnaba. 

        3-  Horusocod 

Maanta maahan inaad taagnaato halkii shaly oo maalin tagtay ah aad taagnayd. Waxa muhiim ah inaad taha qof koboc joogta ah ku sameeya ahdaaftiisa, aad ayey markaas u fududaan in la taabto barta la hiigsanayaa.

Si kastaba ha ahaatee, si loo gaaraa guul waxay u baahan tahay inaad noqoto qof had iyo goor jecel inuu horumar sameeyo. William McDonough, waxa uu noqday qofka ugu horeeya caalmka dejinka iyo qurxinta naqshadaynta dhismayaasha. Wuxuu yiri: kolka aan bilaabayno mashaariicda qurxinta iyo dajinta guryaha ma ogin waxa soo bixi doona, laakiin waxaan ogahay inaan horusocod samaynta ku gaari karno wax fiicnaan iyo tayo heer sarre ah leh. 

       4-  Raadin afkaar kala duwan

Fikradu waa waxa ugu tamarta badan ee ka yimaada maskaxda qofka, haddii aad tahay mid bad badeli kara afkaarta abuuri karana, waxaad leedahay awood aad ku gaari karto guulo badan. Bill Gates, waa mulkiilaha shirkada Microsoft Wuxuu yiri waxaan ahaa mid hayey fikrad, taas oo ahayd midii u horeysay ee samaysa shirkada Microcomputer Software. Hadaba fikradaas yari waxay sababtay inaan noqdo ayuu yiri mid magaciisa si weyn loo yaqaan  isla markaana iga dhigtay taajir. 


5- Daal la'aan, niyad wanaag, iyo wadidda ahdaafta.

Waa khasab in haddii aad hiigsi leedahay aad la kulmi kartid: daal, caqabaad iyo waqtiyo adag oo tiro badan. Waa lagama maarmaan inaad yaqiinsato xilligaas waxa kula gudboonaan kara.


Dadka inta badan guusha gaaray waxay ahaayeen kuwo dul qaad badan u yeeshay. Samaynta khalad waa jid kuu samayn kara inaad saxdid horena uga socotid. Markasta muhiimadaaadu ha ahaato: 1- Si fiican u qabo ahdaaftaada. 2. Ahow mid halkaas ka sii wada oon joojin inta uu ka dhammaystirayo. 3. U qabo sidda kolba uga haboon uguna fiican. 


Ku celceli wixii aad khalday si saxniin u yimaado, garona waxa aad ku fiican tahay iyo waxa aad u baahan tahay inaad kobcin ku samayso.
 



Tixraac: The 8 Traits of Successful People Have In Common 


Saturday 25 January 2014

Tallo iyo nin doonay!
Waa maalin Sabti ah, noloshu waa bilow.